Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Oo Shaacisay kiisas cusub oo ku saabsan Covid-19

Wasaaradda caafimaadka  Somaliland ayaa shaacisay 38 qof oo hor leh oo uu ku dhacay cudurka Covid-19 kadib markii saacadihii ugu dambeeyay cudurka laga baaray 145 qof.

Guud ahaan cudurka Somaliland waxaa laga helay 2,855 qof halka tirada dhimashada ay gaadhayso 133 qof.

Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in labadii bilood ee la soo dhaafay uu dad badan soo ritay xanuunka Covid-19 oo mawjaddii labaad ah.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in xooga saareyso wacyigelinta iyo qaababka kale ee looga hortagayo faafidda cudurka haddii loo baahdana ay soo rogi doonaan tallaabooyin dheeraad ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker