Taliyihii Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Muqdisho Oo Xilkii Laga Qaaday

 

Taliyihii xabsiga dhexe ee Xamar, Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile ayaa si rasmi ah xil kii looga qaaday, kadib markii uu dhowaan shaqada dib ugu celiyey taliyaha ciidamada Asluubta, Mahad Cabdraxmaan Aadan.

 

Dowladda federaalka ayaa soo faragelisay Arrintan, iyadoona ka hortagtay Tallaabadii shaqada dib loogu soo celiyey Taliyahaasi.

 

Taliyaha cusub ee Xabsiga dhexe ayaa waxaa loo magacaabay, Gaashaanle Sare Aadan Xuseen Kulmiye.

Xirsiile ayaa waxaa horay looga soo duubay muuqaal, isagoo mid kamid ah isbitaalada Muqdisho kala soo baxay bukaan xabsiga dhexe ku xanuunsaday oo ay dhakhaatiirta xabsiga sheegeen inaan wax looga qaban karin isbitaalka ku yaal gudaha xabsigaasi.

 

Bukaankaas oo lagu magacaabi jiray, Xasan Kurtun Calasow oo ku jiray xaalad halis ayaa ugu dambeyn ku geeriyooday xabsiga dhexe ee Xamar.

 

Arrintaas ayaa sababtay in dad badan oo daawaday muuqaalka la dhigay baraha bulshada ay ka caroodeen falkaan naxdinta leh ,

Iyadoona sidoo kale ehelladada marxuumka ay dalbadeen in xil ka laga qaado taliyaha, lana hor keeno cadaalada.

 

Xil ka qaadistan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan labo maxaabiis ah oo u xirnaa Al-Shabaabnimo ay ka baxsadeen xabsiga dhexe ee Xama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker