Jasiiradda Malta Oo Qaabishay Muhaajiriin Soomaali ah Oo ku Xayirnaa Badda muddo
Jasiiradda Malta ayaa ogolaatay in xeebaheeda ay ka degaan muhaajiriin in muddo ah ku dhex goโdoonsanaa markab xoolaha qaado oo nadaafaddiisa laga deyriyay.
Markabkan waxaa saarnaa muhaajiriin intooda badan ay yihiin Soomaali, waxay gaarayeen ilaa 50 qof.
Horraan, Malta waxay diidday inay qaabisho muhaajiriintan, waxay ku doodeyso in xeryaha lagu qaabilo dadkaas ee ku yaalla Malta ay buux dhaafeen.
Balse Talaadadii Malta waxay sheegtay in Yurub ay qaabili doonto ilaa 200 oo muhaajiriin ah kaddib markii heshiis ay wada gaadheen.