Labaatan qof oo u dhalatay waddanka Sucuudi Carabiya ayaa iyagoo maqan waxaa Turkigu uu u maxkamadaynayaa dilkii weriye Jamaal Khaashuqji kaas oo dhacay 2018.
Khaasuqji oo ahaa Suxufi caan ah oo dhaleecayn jiray Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan, ayaa waxaa qunsuliyadda boqortooyada ay kuleedahay magaalada Istanbul ku dhex dilay koox Sucuudiga u dhalatay.
Dadka dacwadda lagu soo oogay waxaa ka mid ah laba nin oo hore ula talin jiray Amiirka, kuwaas oo gaashaanka u daruuray inay arrintaasi wax lug ah ku leeyihiin.
Sucuudi Carabiya ayaa waxa ay diidday codsi uu Turkiga ku dalbaday in raggaasi ay u soo gacangeliso, waxa ayna sanadkii la soo dhaafay siddeed qof u xukuntay dilkaasi.
Shan ayaa waxaa lagu xukumay dil ay ku mutaysteen gacantii tooska aheyd ee ay dilka weriyaha ku lahaayeen, halka saddexda kale madaxa loo galiyay xabsi ay iyana ku mutaysteen inay dambigaasi qariyeen.Maxkamadaynta Sucuudiga ayaa waxaa gaashaanka u daruurtay Agnes
Callamard oo ah haweeneyda ay Qaramada Midoobay u saartay dilka
Khaashuqji, taas oo sheegtay in Khaashuqji “si ulakac ah loo dilay oo weliba
dilkiisu uu ahaa mid la sii qorsheeyay” oo uu mas’uul ka ahaa qaranka
Sucuudiga.
Sidey wax uga dhaceen maxkamadda?
Khaashuqji gabadhii u doonanayd ee Turkiga u dhalatay, Hatice Cengiz, ayaa loo ogolaaday inay ka qeybgasho dhageysiga dacwadda.
Markii dambe ayaa waxa ay weriyayaasha ku sugnaa afaafka hore ee maxkamadda u sheegtay in sida ay wax u socdeen ay dareenkeeda kicisay

Back to top button