War Degdeg ah: Geel Fara badan oo si degdeg ah ugu dhimanaya degaanno gobolka Sanaag ah

Ceerigaabo(OWN) Degaanno kamid ah Gobolka Sanaag ayaa sida lasoo sheegayo waxa fara ba’an kuhaya xanuun si degdeg ah geelu ugu dhimanayo kaasoo dadka geelashu ka dhimanayaan ay walaac badan kamuujiyeen, waxana lasheegayaa in geelu isugu jiro qaar wadnuhu qarxayo iyo qaar cudurka kudka looyaqaan loo malaynayo inuu u dhimanayo, waxase dhimashada geelu kasiman tahay si degdeg ah naftu uga baxayso.

Waxana degaannada dhimashada ugu danbaysa lagasoo sheegayo ugu badan degaannada hoos taga tuulada Dhoob oo qiyaastii 60-km jahada bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo iyo meelo kale.

 

Oodweyenews.com/Ceerigaabo

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker