Shacabka Xaafadda Cabaaye Ee Hargeysa Oo Ka Cabanaya Taawaradda Shirkadda SOMCABLE , Fariinna U Diray Xukuumadda JSL

Qaar ka mida dadweynaha xaafada Cabaaye ee magaalada Hargeysa ayaa cabasho xoogan ka muujiyay biro isgaadhsiineed oo shirkadda Somcable ay ku leedahay oo  laga taagay xaafada ay degan yihiin, kuwaasi oo ay sheegeen in xaalado caafimaad daro ay ka qaadeen.

 

Hooyo Safiya Sheekh Maxamuud  kana mida dadka ay saameynta caafimaad ee xoogan ku yeesheen birahan Taawarka ee gurigooda agtiisa laga taagay, ayaa sheegtay in haween badan ay caafimaad daro ka qaadeen oo qaarkood ay carruurtii ka soo daadatay (Dhiciyeen), waxaanay xustay in loo awood sheegtay oo qasab lagaga taagay birahani xaafada ay degan yihiin. Waxaanay dadweynaha xaafadani ku nooli ay ka codsadeen masuuliyiinta xukuumadda talada dalka heysa in arrintooda wax laga qabto oo hoos loo eego.

 

Hooyo Safiya Axmed Warsame ayaa shaaca ka qaaday in birtan iyo birta ka horeysay ee xaafadooda laga taagay lagu dhisay qaab khiyaamo ah“Cabasho weyn ayaanu birtaasi ka qabnaa caafimaaddaro ayay nagu riday, markii horena khiyaamo ayaa lagu iibsaday baloodhkani ay ku taallo mar labaadkii khiyaamo, waxaana xaafada lagaga iibsaday waxaa laga dhisayaa saddex makhsin oo guri xaasa, markii aanu ogaaney in birta labaad laga taagayana ee aanu nidhi hanalaga daayo waxaa nalagu yidhi RRU ayaa la idiin dalbanayaa,  Ina Aw Siciid isaga ayaa magaalada leh, lacagtiisana u shaqeynaysa waanad ku khasban tihiin ayaa nala leeyahay, qori caaradii ayaa na loogu hanjabayaa, marka waxaa aanu codsaneyna cidkasta oo ay khuseyso oo uu ugu horeeyo wasiirka arrimaha guduhu, badhasaabka gobolka, maxkamadaha cidkasta oo arrintayada wax ka qaban kareysa sida ugu dhakhsaha badan in nalooga joojiyo birtaasi, milateri iyo boolis ayaa nagu hareeraysan wax allaale wax aanu qaban karnaana ma jirto dawladu si deg degga ha noo soo gaadho”.

 

Hooyo Safiya waxaa ay sheegtay in saameyn caafimaad daro ay ka qaaday birta Taawarka oo laga dhisay wax aan gurigeeda ka fogeyn laba mitir “Daaradan ayay Hooyaday ku dhimatay dhakhtar caafimaad ayaan geeyay waxaanu igu yidhi Taawarkaasi waxaa uu ku yeeshay saameyn, xisbiga ayaan anigu ka shaqeysta waxaa aan ahey qof danyara oo masaakiina oo dhulka iska xaabta, toban jeer ayaan u sii kala fadhiista Xisbiga, markii horena ee aanay birtaasi igu oolina hal daqiiqo ayaan ku gaadhi jiray, imika iyo haatana laxaadkeygii ma jiro, marooyin ayaan isku xidhaa oo dhabarka ayaan iska xidha, lugaha ayaan iska xidhaa, meel aanan iska xidhin jidhkeyga ma jiro, madaxeyga maro ayaan ku xidhaa, garaac iyo xannuun iyo dhibaato faro badan ayaan dareemayaa, dhakhtarkii kasta ee aanu u tagnaaba waxaa uu leeyahay waxaa idin saameeyay birta Taawarke agtiina laga taagay, carruur yar yar ayaan meesha ku haystaa marka aan goobaha adeeg bixinta caafimaadka geeyo waxaa la leeyahay Taawarkaasi ayaa saameyn caafimaad ku yeeshay,”.

“Waxaa aanu ka cabaneynaa caddaaladaro aad iyo aad u baahsan, birtan Taawarka oo hore u jirtay ayaa la yidhi mid labaad ayaa laga taagayaa, hawshaasina waxaa wata nin ganacsade ah oo lagu sheegay inuu yahay Ina Aw Siciid, sidaasi darteed dawlada iyo cidkasta waxaa aanu ka codsaneynaa in ay cabashadayadaasi wax ka qabato”Ayuu yidhi Aabo Xasan Kheyre kana mida dadweynaha xaafada Cabaaye ee magaalada Hargeysa.

 

Hooyo Safiya Sheekh Maxamuud ayaa sheegtay in haween badan ay xaalada caafimaad daro u jiifaan guryaha, halka ay tilmaantay in qaarkoodna carruurtii ay ka soo daateen oo ay dhiciyeen waxaaney tidhi  “Danyare ayaanu wada nahay xaafada Hooyaday waa bukaan, aabahay wuu dhintay, xaafadihii jaarkayagu guryahoodi waa ay wada iibiyeen, waa ay ka wada qaxeen, waxaa la yidhi waxaa aanu u iibineynaa birtaasi Taawarka, dumarkii xaafadayada imika shan ayaa jiifta wey wada dhiciyeen birtaasi ayaa idiin sababa ayaa la yidhi oo walaahi oo bilaahi oo tolaahiya, gabadh aan habaryar u ahey waa dhicis imika way jiifta dawladu waxaa aanu dooneyna in ay wax nooga qabato arrintaasi saameynta nagu yeelatay, xoog ayaa na loo sheegtay waxaa la yidhi hadii aad wanaag ku diideen taagista birtaasi ciidan ayaa la idin dul dhigayaa, taliyaha ciidanka saldhiga Daloodho ayaa ciidan nagu soo dareeriyay, xoog ayuu nagu marsiiyay, ulo ayaa nalala dhacay, waanala laayay, dawladu si sharaf leh ha noo soo gaadho.

 

Booliskuna waa uu joogaa bir ayaa naga taagan tii labaad ayaa nalaga taagayaa, ILLAAHEY ayaanu magan leenahay, madaxweynahayaga ayaanu magan leenahay, na soo gaadh rayid ayaanu nahay masaakiin ayaanu nahay, ma awoodin karrno dhulka ma iibsann kareyno, dhulkii xataa hadii aanu iibin laheyn nalagama iibsanayo, Ina Aw Siciidow naga iibso ayaanu nidhi raggiisi shaqaalaha ahaa, la idinkama iibsnayo ayaa nalagu yidhi, waanu idinku taageyna oo khasab ayaanu idinkaga dhigeynaa, ana oo aan idin baryin, runtood ayay noqotay oo ciidankii ayaa nala dul dhigay, taliyuhu into markii hore na raacsana ayuu markii danbena iyaga soo raacay taliyaha heysta saldhiga Daloodha, into yidhi ‘bir haday ka taagan tahay tu labaad lagama taagi karro’, ayuu markii danbe naga raaacay markaan ku idhi maxay sidani u dhacdayna waxaa uu igu yidhi walaahi in aan ku xidhi, ciidankayagii weeyaan walaalaheyna Tukaraq ayay ku daadsan yihiin, Hooyadayna waa ay jiifta way buktaa oo faalig ayaa ku dhuftay, anigu wadno xannuun iyo macaan ayaan leeyahay,  xaafadayadu wada macaan ayay leeyihiin dowladu ha nagu soo gurmato, madaxweynahayaga sharafta lihi ha noo soo gurmado, muslimiintu ha noo soo gurmato meelkasta oo ay joogto, birtii labaad ayaa nalagu taagayaayee tii hore waanu ogoleyna ta labaad ma ogolin oo dhimasho  ayaanu ka naqaana”.

 

Hooyo Safiya Sheekh waxaa ay caddeysay in dhakhtar caafimaad oo ay u tagtay uu ku wargeliyay in xannuunkeedu uu ka dhashay birta isgaashsiinta Taawarka ee gurigeeda laga ag taagay waxaney tidhi  “Anigu Dr. Xasan Daahir ayaan iska soo baadhay waxaa uu igu yidhi birta ka fogow wadnaha ayaa i xannuunaa, naqaska ayaa igu dhaga, Oxygen ayaa leygu  rakibaa markaan koomo gallo ee aan todobaad joogo, macaan ayaan leeyahay dhiikar ayaa leeyahay, gaastarik ayaan leeyahay, gurigayagu waa wada sidaasi dhammaantayo”.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker