Dhegayso : Nin Askari Ah Oo Hore Loogu Eedeeyey inuu Gaystay Dil Askari Kale Oo Dil Qisaas Ah Lagu Fuliyay Gobolka Sool
Dhegayso : Askari ka Tirsanaa Ciidamada Asluubta Somaliland ee Gobolka Sool oo Dil Qisaas ah lagu Fuliyay
Nin askari ah oo hore loogu eedeeyey inuu gaystay dilka askari kale badhtamihii bishan, ayaa maanta lagu dilay gobolka Sool Gaar ahaanna Deegaanka Bali hadhac
Goโaanka lagu fuliyey qisaasta ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen dhinacyada ay khusayso, ee ay kasoo kala jeedaan labada askari.
Askariga la qisaasay oo la oran jiray Maxamuud Iidle Aadan ayaa lagu eedeeyey inuu 16-kii bishan uu Laascaanood dhexdeeda ku dilay askari ay ka wada tirsanaayeen ciidanka asuubta Somaliland, islamarkaana uu dhaawacay qof shacab ah.
Qisaasta maanta ayaa ka dhacday deegaanka Bali-hadhac ee gobolka sool ,waxaana goob joog ka ahaa cuqaal, culumo iyo waxgarad kale.
Maamulka gobolka Sool ayaan weli ka hadlin askarigan loo qisaasay askariga kale, ee ay ka wada tirsanaayeen ciidanka ee ay ku heshiiyeen beelahoodu.