Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways Oo Bilaabaysa Duulimaadyadeeda Tooska ah Ee Nairobi Iyo Hargaysa.
Shirkada Kenya Airways ayaa lagu wadaa inay bilowdao duulimaadyada tooska ah ee ay ku tagayso magaalada Hargeysi ee Caasimadda Somaliland oo ka mida hadafyada Shirkadda ee Geeska Afrika.
Kenya Airways ayaa markii hore dhamaystirtay xog ururin buuxda oo ay ka samaynaysay Hargeysa taas oo keenaysa inay duulimaadyo ku tagto Hargeysa, Waxaanay arintani si xoog leh kor ugu qaadaysaa ganacsi dhexmara Kenya iyo Somaliland.
Agaasimaha maamulka duulimaadka Madaarada Somaliland md.Cabdi Maxamed Rodol ayaa dhawaan booqasho ku tagay Nairobi si uu wadahadalo dhinaca duulimaadyada ah ula yeesho Masuuliyiinta Kenya Airways, isagoo sheegay inay Hargeysa ay ku haboon tahay in duulimaadyo ay ka bilowdo diyaarada Kenya.
Ilaa iyo hada Diyaarada Ethiopia Airlines iyo Fly Dubai ayaa duulimaadyo ku tagta Somaliland oo iskaga kala gooshta Addis Ababa iyo Hargeysa, Dubai iyo Hargeisa taas oo fududaysay in ganacsatada Somaliland ee ka imanaya dhamaan aduunka.
Sidoo kale bishii la soo dhaafay Agaasimaha Wasaarada Arimaha Dibada Kenya Mr Philip Mundia Githiora ayaa loo asteeyey inuu caasimada Somaliland xafiis ka soo furo, horena waxa xafiisyo diblomaasiyadeed ugu lahaa dalalka Ethiopia iyo Djibouti