Heshiis Taariikh ah oo Dhexmaray Dawladaha Somaliland iyo Thaiwand
Xukuumadda Somaliland iyo dalka Taiwan ayaa kala la saxiixday heshiis Cusub oo ku Saabsan Xidhiidhย ย wanaagsan oo u bilaabmay labadan dal ee aan haysan Aqoonsi Caalami ah.
Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon oo dhawaan booqday Magaalada Taipei ee Caasimadda dalka Taiwan iyo dhigiisa ayaa Heshiiska kala saxiixday, waxaana Taiwan ay Aqoonsatay Baasaboorka Somaliland.
Wasaaradda Arrimaha Debedda Taiwan ayaa Qoraal ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in Somaliland ay tahay dal ay aad u kala fog yihiin, balse ay wadaagaan Jacayl qoto-dheer ooย ah Xorriyadda iyo dumiqraadiyadda ah.