Komishaneerkii Ugu Mudada Dheeraa Guddiga Doorashadda JSL Ayaa Ka Cudur-daartay Inuu Markii Saddexaad Xisbigga UCID U Metelo Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Hargaysa:(OWN)-Cabdifataax Ibraahin Sheekh oo ahaa xubinta xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID usoo magacaabeen Gudida Doorashooyinka somaliland 10-kii sanadood ee ugu danbeeyay isla markaana ahaa komishanerkii ugu muddada dheeraa komishanka doorashooyinka Jamhuuriyadda somaliland ayaa ka cudur daartey in mar sadexaad xisbiga UCID u soo xusho ka mid noqoshada gudida cusub ee doorashooyinka qaranka somaliland.

komishaneerka ayaa warqad qoraal ah u gudbiyay gudomiyaha xisbiga UCID eng Faysal Cali Waraabe oo uu kaga cudur daaranyo in xilkaas loo magacaabo sida ay xaqiijiyeen ilo xogogaal ah.

Xisbiga UCID ayaa golayaal badan kaga dhawaaqay in Komishineerka ay mar sadexaad u cugan doonaan kasii mid ahaanshaha Gudida.
Waxa jirtay daadaalo lagu doonayay in komashinerka lagu qanciyo in uu mar sadexaad jagadaas buuxiyo oo aan midho dhallin.

Image may contain: Abdifatah Ibrahim Sh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker