Shabaab Oo Dagaal Culus Saaka Ku Qaaday Xerada Ciidanka Baar Sanguuni Ee Gobolka Jubbada Hoose.

Kismaayo-(OWN)-Ciidamo ka tirsan Shabaab ayaa saaka aroortii weerar qorsheysan ku qaaday Xerada Ciidamada Jubbaland ee deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe xeradan waxa ay ka wadeen abaabul ciidan oo ku aadan sidii ay u weerari lahaayeen deeganada Shabaab ay gacanta ku hayaan ee Gobolka Jubbada dhexe.

Dhawr jiho ayaa la sheegay Ciidamada Shabaab inay ka soo galeen Xerada oo ay ku laayeen askar badan oo ka tirsan maamulkaasi.

Shabaab ayaa sheegtay gabi ahaanba inay cagta mariyeen xerada, inkastoo aanan la xaqiijin karin sheegashada Shabaab ee ku aadan inay cagta mariyeen gabi ahaanba Xeradaasi.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe abaabul ciidan wuxuu ka waday deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker