Ururka saxafiyiin Soomaaliland ee SOLJA, ayaa tallaabo sharci darro ah ku tilmaamay go’aankii shaqada looga joojiyay telefishinka madaxa bannan ee Universal Tv xafiiskiisa Somaliland uu ku lahaa.
Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay go’aanka shaqada looga joojiyay Universaltv inuu ka dhashay kadib markii ay diideen inay baahiyaan hadal jeedinta madaxweynaha Somaliland, xilli uu ka hadlayay munaasabada 60 guurada markii gobolada waqooyi ay xurnimada ka qaateen Ingriiska.
Back to top button