Gaadhi Uu Leeyahay Isuduwaha Wasaaradda Beeraha Ee Gobolka Togdheer Oo Ay Wateen Carruur Uu Dhalay Mas’uulkani Oo Gaadhi Kale Jiidhay

Gaadhigii isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Togdheer Cabdi Guray ayaa waxa la sheegay in uu jiidhay gaadhi yar oo ah nooca loo yaqaano dhukhaanka (Vits).

 

Gaadhigii isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka ayaa waxa ay wararku sheegayaan in markii uu shilkani dhacay ay wateen carruur uu dhalay mas’uulkani.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan inay saddex qof ku dhaawacmeen gaadhagan uu jiidhay isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Togdheer.

 

Gaadhigan ayaa waxaa lahaan jirtay Wasaaradda beeraha Somaliland waxaana hore lagu wareejiyay Gaadhigii isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Togdheer Cabdi Guray.

 

Oodweynenews Burco

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker