” Madaxwaynuhu waa Inuu Hoos u Eego Tabashooyinka Jira,, Siyaasi Jamaal Jaamac Xaamud

Hargeysa (OWN) – Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga mucaraadka ee WADDANI Jamaal Jaamac Xaamud ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ugu baaqay inuu wax ka qabato tabashooyinka jira, isla-markaana uu noqdo Madaxweyne dabacsan oo furfuran.

 

Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga Mucaraadka ee WADDANI Jamaal Jaamac Xaamud, oo u warramay Warbaahinta Qaar ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Arrinka saami-qaybsiga ee taagan waxaa masuuliyadeed iska leh oo wax ka qaban kara Madaxweynaha, maxaa yeelay saami-qaybsiga oo la sameeyo waa muhiim, cid walbana waa u muhiim, wax badana dawo ayuu ka yahay, xitaa Madaxweynaha waxaa la gudboonayd haddii aan Doorashada saami-qaybsi lagu galin karin doorkan inuu si toos ah ugu tago ama u qaabilo cidda wax tabanaysa,

 

 

wax-garadkooda iyo odayaashooda, isla- markaana uu ku qanciyo, ta kale Madaxweynuhu inuu is dabciyo oo uu weji furnaan la yimaaddo, tabashooyinka jirana wax ka qabto weeye, Madaxweynuhu inuu hoos u eego xaaladaha dalka ka jira, oo dhibaatooyinka hadda taagan wax ka qabto weeye”.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker