𝗛𝗮𝗿𝗴𝗮𝘆𝘀𝗮: 𝗛𝗼𝘁𝗲𝗹 𝗶𝘀𝗸𝘂 𝗯𝗮𝗱𝗲𝗹𝗮𝘆 𝗴𝗼𝗼𝗯 𝗗𝗮𝘀𝘁𝘂𝘂𝗿𝗸𝗮 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗯𝗮𝗿𝘁𝗼

Hotel Baar Xaraf waxa uu ka mid ahaa kuwa ugu caansan magaaladda Hargeysa dhinaca Hodheelada waawayn, balse hadda waxa uu xidhnaa mudo ku siman 3 sano sabab kastaba ha u xidhmee.
Arrinta cajiibka ah ee Baar Xaraf ayaa ah in Xukuumadda Somaliland ay kiraysatay hodheelka isla markaana u bedeshay xurunta barashadda Dastuurka iyo Wadaniya oo markii hor ahayd xarunta Wasaaradda Dastuurka.
Baar Xaraf kaliya ma ahan hudheelada Hargaysa ku masalafay, balse waxaa jira kuwa badan oo isugu jira hudheelada yar yar iyo kuwa waawayn oo albaabadu u xidhmeen, ka dib markii ay xag dhaqaale u socon waayeen, isna dabooli kari waayeen.
Hudheeladan ayaa waxa ku tiirsanaan dad badan oo ay shaqo u ahayd ay ka biilaan qoysaskooda, halka hodheeladana laga qaadi jiray cashuur uu dib ugu celiyo xukuumada.
Ma jiro Daraasad rasmi ah oo laga sameeyay sababta keentay in hudheelo badan ay meesha ka baxaan dadkii ku tiirsanaan ay banaanka u baxaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker