Beesha Caalamka Oo Farriin U Dirtay Guddiga Farsamo Ee loo Xil-saaray Shirka Jabuuti.
Saaxiibada Soomaalida ee Caalamiga ah ayaa soo dhoweeyay Wadahadalka u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyagoo marti galinta shirkan uga mahad celiyeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali oo kaalin ku lahaa fududaynta wadahadalada.
Beesha caalamku waxay Bogaadisay taageerada iyo wada-shaqaynta gobolka ee horseedday wadahadallada.
“Waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-Xidhiidhka laguna kobcinayo is-fahamka, waxaanan guddiga farsamada ee ay magacaabeen Madaxda ugu sarreysa ku dhiirigelinaynaa inay faa’iidooyin la taaban karo u soo hooyaan dadkooda,”
Ayaa lagu tidhi bayaan kooban oo kazoo baxay saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.
Wadamada iyo Iyo Ururada Bayaanka Soo Saaray ayaa kala ah . Sida Tan