Siyaasi u ololeeya aqoonsiga Somaliland oo u sharaxan Guddoomiyaha Midawga Afrika!

Hoggaayimaha mudada dheer mucaaradka ka ah Kenya Raila Odinga ayaa shaaciyay in uu u tartamayo xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika, Raila ayaa shan jeer ah oo uu tartamay kuna guuldareystay in uu noqdo madaxweynaha Kenya hadda waa sagaal iyo toddobaatan jir.

Waxa uu doonayaa in uu bedeli Muusa Faki Maxamed, Raysal wasaarihii hore ee Chad, oo saddex iyo lixdan jir ah, kaas oo muddo xileedkiisa labaad ku eg yahay horraanta sanadka soo socda.

Raila oo markii uu shaacinayay murashaxnimadiisa uu barbar taagnaa Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, oo dhawaan Midowga Afrika u magacaabay dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya.

Raila Odinga oo ah siyaasiga ugu faca weyn islamarkaas na mudada dheer xabsi ku jiray gudaha Kenya waxa uu isku tilmaamaa in uu ahaa saaxiibka dhow ee madaxweynihii labaad ee Somaliland AHN Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo ay isbarteen xilliyadii uu Cigaal xubinta ka ahaa dowladdii rayidka Soomaaliya oo uu Raysal wasaare ka noqday iyo dowladdii kacaanka oo uu la shaqeeyay.

Safiirka Somaliland ee Nayroobi Maxamed Barawaani waxa uu ku tilmaamay Raila Odinga in uu yahay halyey Afrika oo ah qofka ugu madan ee guddoomiya Golaha Fulinta Midowga Afrika, xilkaas oo ay Soomaaliya u sharaxday Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo horey usoo noqotay Raysal wasaare xigeen iyo wasiir hore.
Raila Odinga oo hadda ergay u ah Midowga Afrika ayaa horey meelo fagaaro ah uga taageeray qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland, isaga oo ugu baaqay Golaha Fulinta Midowga Afrika inay u aqoonsadaan Somaliland dal madaxbanaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker