Khubaro Caafimaad oo Biritish ah ayaa Sheegay Kiniin Lagu Dawaynayo Xanuunka Covid 19
London (OWN) – Guud ahaan khuburada Caafimaad ee Dunida ayaa maskaxdoodu mashquul ku aheyd sidii daawo loogu heli lahaa cudurka COVID-19, hase ahaatee Khubaro ka tirsan jaamacadda Oxford ee London iyo dhaqaatiir kale ayaa shaaca ka qaaday war ay sheegeen inuu Yahay ku Lagu farxo.
Kaniinka Dexamethasone ayaa noqday daawada kaliya ee dili karta cudurka Coronavirus, dhimashadana ka badbaadin karta dadka qaba cudurka ee xaaladaha halista ah ku jira.
Madaxa kooxda baadhitaankan iyo tijaabada sameeyay, Prof. Peter Horby, ayaa sheegay in tani ay tahay tallaabo muhiima oo horay Loo qaaday.