Somaliland-Maxay-Ku-Faleysaa-Midnimo-W-Q-Yuusuf-Garaad

Somaliland-Maxay-Ku-Faleysaa-Midnimo-W-Q-Yuusuf-Garaad

Qalinkii Yuusuf Garaad Cumar .

Labada dhinac markii u horreysay ee ay is hor fariistaan waxay ahayd January,
2012. Waxay ahayd Chevening House oo ah meel aan ka fogeyn magaalada
London.

Shalay ka hor, kulankii u dambeeyay wuxuu ahaa 2014 oo ay labada
Madaxweyne ku kulmeen Djibouti.

Labada shir mid aniga oo suxufi ah ayaan joogay Ergooyinkana gooni gooni
ula kulmay. Ka kalena   wafdiga Madaxweynaha ayaan ka mid ahaa oo miiska
ayaan fadhiyay.

Intii u dhexeysay si dhow ayaan ula socday. Marka aan suxufinnimo ku
shaqeynayay labada dhinac ayaan xog wareysanayay.

Marar kale aniga oo matalaya Soomaaliya ayaan wadahadalka kaga qeyb galay
Istanbul, Ankara oo ahayd kulan Aqoonyahanno iyo Djibouti. Qaar kale
qabanqaabada ayaan wax ku lahaa. Is arag aan la shaacinna si hoose ayaan
xogtooda u helay.

Ku dhowaad dhammaantood waxaa ii muuqata in aan labada dhinac ahayn
isku diyaar garow xag macluumaad iyo waliba marka ay noqoto in aan waxba
lala hadhin ee Loo badheedho dhinaca kale.

Waxaan qabaa dareenka ah in ay isa soo hor fariistaan koox taqaanna waxa
ay ka hadleyso iyo sida ay u dhigeyso, Iyo koox dooneysa Midnimo ay
doonayaan in ay ku helaan “in ay u caqli celiyaan walaalhood.”

Istaraatiijiyada Somaliland waa in Soomaaliya ay noqoto laba dal oo koofuriyo
Woqooyi ah.

Waxay ku bixisay dhiig, kharash fara badan iyo borobagaanda. Waa dacaayad
aan kala go’ lahayn oo dadweynaha la gaarsiiyay, laguna celceliyay.

Waxaa la hubiyay in shakhsi kastaa ay farriintu gaadho – mid awalba sidaa
qabay amaba ka horreeya, mid hadda lagu qanciyo iyo mid lagu celceliyo ugu
yaraan ilaa uu ka garaabo.

Waxay saaxiibbo ku yeelatay Saxaafadda Caalamiga ah iyo diblomaasiyiinta
shisheeye. Xafiisyo u sameysan suuq geynta siyaasadda ayaa la kireystay.
Si doodda aan loo kala illoobin, marnabana aanay dadka madaxiisa uga bixin
waxaa loo sameeyay astaamo lagu xusuusto.

Mid keliya haddii aan xuso waa Taallada ay dayaaradda Miigga ahi saaran
tahay ee qof og in aad og tahay sheekadeeda murugada leh aanuu ka
caajiseyn in uu mar laba iyo ka badan kuugu soo celiyo.

Somaliland shakhsiyaad beey leedahay loo bixiyay mujaahiddiin. Waxay la
dagaallameen oo ay ka adkaadeen shakhsiyaad astaan looga dhigay shar oo
loo bixiyay faqash.

Qof kastaa wuxuu ka qalin jebiyay Iskuulkaas furan ee ku saabsan wixii la soo
maray iyo waxa hadda la hasto ee aan la heleen haddii Soomaaliya laga sii
tirsanaado. Aqoontaas barashadeeda ma jirto meel ka caagga. Waxaa lagu
bartaa xafladaha, xafiisyada, goobaha ganacsiga, guryaha iyo saxaafadda
bulshada, waxaana laga dhegeystaa Raadiyaha iyo TV-ga.

Iyada oo ay taasi jirto ayaa marka wadahadal la tagayo waxaa la soo xulaa
dadka ugu xog ogaalsan, ugu mintidsan, qaarkood ay waxyeello toos ahi soo
gaartay oo marnabana aanay suurta gal ka ahayn in uu shaki ku dhasho.
Waxaa intaa u wehliya aqoonyahanno u soo diyaariya doodda, mararka
qaarna sooba raaca oo ka tirsan ergada.

Madasha ayay tagaan iyaga oo ku hubeysan Taariikh si taxaddar leh loo soo
xulay, xad gudubyo iyo dhacdooyin fool xun oo dhab ah iyo qaar fasiraad aan
sax ahayn laga bixiyay. Iyo wax kasta oo sax ama khalad leh ee ay Somaliland
ku gar heli karto kuna caddeyn karto in xalka keliyihi uu yahay in laba dal la
noqdo.

Intaa waxaa u dheer in shacab iyo Dowladba ay la xisaabtayaan wafdigu
marka ay dalka ku laabtaan.
Federaalka

Soomaaliya waxaa u safta Madax ay ku jiraan qaar ku soo booday ama lagu
soo dhex tuuray wafdi baxaya, xilka ay ku magacaaban yihiin awgiis ama si loo
buuxiyo 4.5 beesha ay ka soo jeedaan darteed.

Xubnahaas waxaa laga yaabaa in qaarkood aanay weligood tegin, akhrin,
iskuna howlin in ay si qoto dheer u fahmaan doodda Somaliland waxa ay ku
saleysan tahay.

In aanay aqoon taariikhda oo dhammaystiran. In aanay la socon dhacdooyinka
foosha xun ee hore u dhacay, marka laga reebo in ay maqleen woqooyi waa la
duqeeyay.

Iskaba daa midda ka sii culus oo ah waxa la soo hor dhigi karo ee ku qancin
kara reer Somaliland in ay dantoodu ku jirto Midnimada.

Istaraatiijiyada marar badan la isku dayo in lagu iibiyo Midnimadu waa niyad
wanaag iyo in la yiraahdo ‘walaalayaal midnimada ayaa ka wanaagsan
tafaraaruqa ee midnimada aqbala’.

Taariikh, sharciyad iyo dood Soomaaliyeed intaba dad la geli kara Somaliland
kuma yara Koofurta. Waxaa ugu badan Soomaalida ka soo jeedda Somaliland
ee madax iyo shacab leh ee Muqdisho iyo ku nool kana shaqeysta gobollada
oo dhan.

Qaarkood sabab kasta ha keentee Midnimada ma iibiyaan.
Qaar kalena, fursad looma siiyo in ay qeyb ka ahaadaan wadahadalka ama
xataa ay daaha gadaashiisa ka talo bixiyaan.

Soo jeedin
Soomaaliya waa dal aad u weyn oo ka weyn Ingiriiska iyo Talyaaniga oo la
isku daray.

Sidaa darteed, qof kastaa arrimaha gobolkiisa ama degaankiisa wuu kaga xog
ogaalsan yahay inta kale oo dhan.

By Suxufi Yuusuf Garaad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker