Gudoomiyaha Gudida Doorashooyinka Somalia oo ka Warbixisay Suurta-galnimada Doorasho

Muqdisho (OWN) – Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa lagu wadaa in maanta ay hortagto xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

 

 

Xaliimo Yarey ayaa sida uu qorshuhu yahay kulanka baarlamaanka ee maanta ka shaacin doonto laba arrin midood, taas oo la Xidhiidha doorashada 2020/2021-ka.

 

 

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqi doonto xilliga rasmiga ah ee ay dhici doonto doorashada, ama inay cudur daarato, maadaama aysan weli dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada aysanisaga imaan arrimaha doorashooyinka dalka.

 

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in guddiga doorashada laga dalbaday inay dib u dhigaan warbixintooda, illaa uu ka qabsoomayo kulanka uu iclaamiyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo marti-qaad u fidiyey madax goboleedyada dalka.

 

Dhinaca kale xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay dhameystiraan xeerka matalaada gobolka Banaadir oo dood adag ay ka yeesheen.

 

 

 

Sida aan xogta ku helnay waxaa jira xildhibaano ay ku jiraan Wasiiro oo u badan hal beel , kuwaas oo wada oo lole ka dhan ah codeynta Xeerka Mataalada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

 

 

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli aysan cadeyn nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso, xilli haatan uu sii dhamaanayo muddo xileedka madaxda dowladda Somalia.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker