Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay Xogtii ugu dambeysey Khasaaraha Qaraxii Muqdisho

Muqdisho (OWN) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in gebi ahaanba howlgalkii argagixisada Al-Shabaab ay ku soo qaadeen xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha, oo u dhaw Taallada Sayidka, in la soo afjaray.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in la laayay dhamaan maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, isla markaana ciidamada amaanka ay ku guuleysteen inay badbaadiyeen dadkii ku jiray gudaha xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha, iyagoo saacado kooban ku soo afjaray howlgalka.

“Dowladda Soomaaliya dadaalkeeda inta ugu badan waxay ku bixisaa in dadka Soomaalida ay helaan amni iyo amaan, iyadoo uu  ka soo reynayay mudooyinkii ugu dambeysay oo talaabooyin laga qaaday sugidda amniga. Ciidamada amniga iyo dowladda qeybaheeda kale waa ay la falgaleen waqti kooban ayay ku soo afjareen, raggii argagixisada ee weerarka soo qaaday gebigoodba waa la dilay” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa tilmaamay in qaraxii maanta uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dhaawacyada lagu dabiibayo xarumaha caafimaadka, isagoo intaa raaciyay in dhaawacyada cul culus ee gudaha dalka wax looga qaban waayo ay dowladdu diyaar u tahay inay u qaado caafimaad dibedda ah.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdu ay bulshada siiso adeegyada aasaasiga u ah nolosha bani’aadamka, isla markaana ka shaqeyso sugidda amnigooda, halka Maleeshiyada Al-Shabaab ay shacabka xasuuqaan islamarkaana caadaystay inay baneestaan dhiiga dadka muslimiinta ah.

(SONNA)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker