Maamulka Puntland Oo Adkeeyey Amaanka Degaanadaas Ee Diyaar-garawga Xuska 1-da Agost

Maamul  goboleedka Puntland ee soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu ku guda jiro diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee munaasabada sanad-guuradii 21aad ee kasoo wareegatay aas-aaska maamulkaas.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga maamulkaas ayaa wuxuu shaaciyey in nabad-gelyadda degaanada maamulka  goboleedkaasi sare loo qaadayo inta lagu guda jira maalmaha munaasabada oo la qaban-qaabinayo.

 

Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo ka codsaday dadweynaha in ay kala shaqeeyaa laamaha amniga sidii ammaanka loo sugi lahaa ayaa u digay shaqsiyaad uu sheegay in ay ku howlan yihiin falal liddi ku ah xasiloonida.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker