Somaliland Oo si Adag Uga Hor-timid Habraaca Doorasha Ee kasoo Baxay Guddiga Doorashoyinka Somalia
Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa yeeshay kulan habka Maqalka iyo Muuqaalka ah oo uu shir guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaana ay warbiximo kaga dhagaysteen Guddida ka hortagga iyo la dagaallanka xanuunka COVID-19,
Guddida nabadaynta shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Fadhi-gaab iyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxay golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland dood dheer ka yeesheen qaabka loo wajahayo hirgalinta guud ahaan mashaariicda laga fulinayo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaanay ay goโamiyeen.
1__ In ay reebban tahay in hayโad aan dalka ka diiwaan gashanayni ay mashaariic ka fuliso gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.
2 ___Waxa Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka la faray in ay diiwaan galiso dhammaan mashaariicda dalka ka socda isla markaasna ay hubiso inay waafaqsan yihiin shuruucda iyo habraacyada u degsan Jamhuuriyadda Somaliland.
3__ Dhamman Wasaaradaha iyo hayโadaha kale ee dawladda waxa la faray in aanay aqbalin fulinta mashruuc aan waafaqsanayn sharciga iyo habraacyada dalka Jamhuuriyadda Somaliland u degsan.
4 ___Golaha Wasiiradu waxa uu goโaamiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka qeyb geli karto oo keliya shirarka lagu soo marti-qaado iyadoo ah qaran madax-bannaan oo aan cidna ku lammaanayn.
Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay inuu beesha caalamka, Midawga Afrika, Urur gobeleedka IGAD iyo dhammaan daneenayaasha nabadda iyo horumarka mandaqada geeska Afrika u caddaynayaan inay gardarro iyo gabbood-fal tahay waraaqda ka soo baxday DF ee lagu xusay doorashada Baarlamaanka dadka metalaya degaamada Somaliland.