SICIID SULUB MAXAMED WAAN HAMBALYAYNAYAA! MARKA XIGTANA, OGAYSIIY XANUUN SIYAASADEED OO SLAND FARABAAS KU HAYA!!!!!!

ASC DADWAYNOOW GUDE IYO DIBADBA.

UGU horayn, siyaasada waan ka yar nastay in mudo ahba, laakiin markay ii muuqato fakad banaan oon wax ka idhaahdo, ma amaahdo. Ta labaad, waxaan lasoo rafiiqay rag aad u badan oo siyaasiyiin ah, oo badankoodu ay Gedahayga in badan ka wayn yihiin. Ragaas iyo markaan isku daro waayo-aragnimadayda shaqsi ahaaneed, waxay I dhaxal siisay inaan garto ama ku dhawaado Odoroska Siyaasadeed iyo duruufaha ku xeeran.

Intaasi waxa ii raaca:

  1. Hamblyo iyo
  2. Xanuun siyaasadeed oo baryahan ku dhacay siyaasiyiin fara badan oo reer Somaliland ah xanuunkan waxa la yidhaa: XIL-U-ASOOL !!!

Intaanan sharixin xanuunkan iyo inyuu haleelay, waxaan hambalyo aad u qaaliya u diriyaa Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga: Mudane Siciid Sulub Maxamed, oonu aad uu saaxiib nahay. Siciid Sulub midh baraarujin iga ah ayaan leeyay:

Adeer Siciidoow Geesinimo iyo Geed-fadhiisi iyo Go’aan adayg-ba waa lagugu yaqaane, maanta midh ku darso Xilqabashada Somaliland wuxuu ku jiraa: GUNNIMO IYO GOBONIMO DHEXDOOD! Waad ogtee,taas ogow.

XIL-U-ASOOL: – waa xanuun siyaasadeed oo mudo Sannad ah Somaliland faro baas ku hayay!

Ninka la yidhaa Cukuse waxa haleelay xanuunkaa siyaasadeed ee XIL-U-ASOOLKA markaa suunbuu ku celceliyay Ereyo lala yaabay sida: madaxweyne muusaa dalkan xukuma….. cidna dalkan looga baqi maayo… muuse gacanbira ayuu wax ku qabanayaa… dhamaan ereyada noocan ahi waa astaamaha lagu garto Cudurkan XIL-U-ASOOLKA la yidhaa. Dhakhtarkiisuna waa ilaahay oo siyaadada kaa fadhiisiiya ama kuu sakhira madaxweynaha oo xil kuu dhiiba! Ha sheegin wax kale iyo cid kale.

Cukuse aan xasuusiyo: inaadeer dagaalkii sokeeyaha iyo warbixinadiisii oo dhan adigaa hayay soona dhigay muuse biixi oo leh:

ANIGOO WAX DILI KARA DUCO QAADAN MAAYEE, DABCI QORIGU HAY FARO! Hadii ninkii aad sidaa u gashay xil kuu dhiibay, aamus oo alxamdulilayso.

Cali Warancadena waa ninkii yidhi: MUUSE BIIXIBAA SHAANIDA TUURAY 2014-kii! Kiibaa isna maanta moodaya in muuse biixi ay dhagihiisa dhukayayso: Garxajis iyo waxaasi! Adeer maanta muuse biixi wuxuu u baahan yahay cid garanaysa dib-u-soo noolaynta isku-duubnidii iyo is-karaamayntii shacbiga Somaliland si uu uga gudbo MUCAARIDADDA MAANTA EE WADATA MAWJADAHA SHACABKA SOMALILAND. Anigu markaan daawaday video-gan, waxaan gartay inaydin kicin iyo ku-jiqsii wadaan adiga iyo cukuse iyo inta idinla fikir ihiba, sababtoo ah maydinkaaba u dhaw halka ay qaranimada Somaliland u dhimanayso maanta iyo halka ay dawadu ku jirto midna lama socotaan.

Bal daawo muwaadin clip-kan oo bal ii sheeg nuxurkiisa,:

https://www.youtube.com/watch?v=tEiDmhaur3k&feature=emb_logo

ILLaahay hayna waafajiyo sida wanaagsan (Aamiin)
Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal!

 

SANWAA CUMAR YARE

DJABOUTI

Freelance Political Commentator

Email Address: politicianbynature@outlook.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker