Shirkada Twitter Oo Digniin U Dirtay Madaxwaynaha Maraykanka Iyo Trump Oo Iska Difaacay.
Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Shirkadda Twitter kaddib markii ay sheegtay in Qoraallada uu soo dhigu bartiisa khaaska ah ay Noqon karaan kuwo marin habaabinย ah.
Shirkadda waxay markii ugu horreysay qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sameyneyso turxaan bixin ama dib ayay u Edit-garaysay.
Trump ayaa sheegay in codeynta doorashada dhanka boostada la dhici karo, waxna si sharci darro ah looga baddali karo isla markaana si sharci darro ah Loo daabaci karo.
Shirkadda waxay digniintanย ka bixisay qoraalkaas oo ay ku sheegtay inay u adeegsaneyso xeerka Lagaga hortegayo Wararka been abuurka ah.
Trump ayaa ku jawaabay in shirkaddu ay โGabi ahaanba cabudhineyso xoriyatul qowlkaโ.
Twitter-ka wuxuu qoraalka Trump hoostiisa soo dhigay qoraal uu Akhristayaasha ugu sheegayo inay โEegaan macluumaadka saxda ah ee ku saabsan codeynta doorshada ee dhanka boostada.โ
Shirkadda waxay ballan qaaday inay sare u qaadi doonto digniinta ka dhanka wararka been abuurka ee la soo geliyay bartaas, balse waxay u muuqatay mid ka gaabisay in tallaabo ay ka qaado madaxweynaha Mareykanka.
Waxay sidoo kale horraantii bishan dib u eegis ku sameysay xeerarka ay kaga hortageyso wararka marin habaabinta ah.
Muxuu ku jawaabay Trump?
Sida ku xusan qoraallada cusub ee uu soo dhigay Twitter-ka, Trump wuxuu ku eedeeyay shirkadda in ay faragelineyso doorashada Mareykanka ka dhaceyso 3 bisha Nofeembar ee sannadkan.