Dawladda Burundi Oo Diidan in Ciidankeeda Kala Baxdo Soomaaliya.

Qorshuhu waxaa uu yahay in 1000 Askari oo ka mid ah Ciidanka Burundi ee ka tirsan Howlgalka AMISOM ay Soomaaliya ka baxaan 28-ka Bishaan, hase ahaatee waxaa soo baxaya in Dowladda Burundi ay si toos uga soo horjeesatay qorshahaas.

 

Safiirka Burundi u fadhiya Ethiopia Dieudonne Ndabarushimana (Diyudan endabarushima) ayaa sheegay Dowladdiisu ay Dood sax ah ka qabto in Ciidankeedu ay Soomaaliya ka baxaan.

 

Waxaa uu hadalkaan sheegay kadib markii Burundi loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Africa. Xubinnimadaan ayaa xukuumadda Bujumbura waxay u aragtaa in ay ugu doodi karto 1000-keeda Askari ay howgalka kasii mid ahaadaan.

 

Dowladda Burundi waxaa ay ku doodeeysaa in ka bixitanka Soomaaliya ay u sinaadaan dhamaan Dalalka qaybta ka ah Howlgalka, balse aan lagu koobin Ciidankeeda oo kaliya.

 

Ciidanka Burundi ee jooga Soomaaliya lacag adag ayey soo galiyaan Dalkooda, 18 million oo dollar ayey Dowladoodu ka heshaa midowga Africa Afar biloodba ama rubac sanad walba, sida lagu daabacay warbaahinta The East Africa.

 

In la dhimo ciidanka AMISOM waxaa faray Qaraar kasoo baxay Golaha Amaanka ee Qaramadda midoobay, Balse Dowladda Burundi ayaa u aragta in lagu ciqaabayo Doorashadii uu mar sedexaad xafiiska ku qabtay Pierre Nkurunziza.

 

Horay Afayeenka military-ga Burundi ayaa sheegay in ay sicad u diidanyihiin in Ciidankoodu ay Soomaaliya uga baxo hanaan loo sinneeyn.

Oodweynenews Newdesk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker