Kooxda Manchester City oo U Baroordiiqaysa Laacib ay Jeclayd oo Si Lama Filaan ah u Geeriyooday

Raheem Sterling iyo Aymeric Laporte ayaa horseed ka ah baroor-diiq Loo samaynayo Jeremy Wisten oo hore uga tirsanaa da’yarta kooxda Manchester City oo si lama filaan ah u geeriyooday.

 

 

Manchester City ayaa xalay warkan naxdinta leh ku shaacisay barteeda rasmiga ah ee Twitterka, waxaanay tacsida iyo murugada la wadaagtay ehellada iyo saaxiibbada laacibkan.

 

 

Ciyaartoyda waaweyn ee kooxda ayaa iyaguna qaybtooda ka qaatay murugada oo soo bandhigay sida ay u taabatay.

 

 

War-saxaafadeedka kooxdu soo saartay ayaa lagu yidhi: “Qoyska Manchester City waxay la murugaysan yihiin inay ogaadeen geerida laacibkayagii hore ee akaademiyadda ee Jeremy Wisten. Waxaanu tacsi u diraynaa saaxiibbadiisii iyo qoyska. Garabkiina ayaanu taaganahay waqtidan adag.”

 

 

 

Raheem Sterling ayaa isaguna bartiisa bulshada ee Twitterka kusoo qaaday geeridan, waxaana uu sii baahiyey warka ay kooxdiisu soo saartay oo uu raaciyey calaamad murugo.

 

 

Difaaca Manchester City ee Aymeric Laporte ayaa isaguna bartiisa bulshada kusoo qoray: “Waa war argagax leh…RIP”.

 

 

Sababta uu u geeriyooday laacibkan yar ayaan wali la garanayn, waxaana warbixin laga sugayaa qosykiisa.

 

 

Isla xalayba waxa bilaabmay barnaamij qaadhaan loogu ururinayo qoyska Wisten oo loogu magac daray ‘siiya waxa ugu wanaagsan oo u dir wax u qalma’.

 

 

Boggan Internet-ka ayaa qoraal ay ku sharraxayaan geerida da’yarkan waxay ku yidhaahdeen: “Waxaanu ururinaynaa lacag aanu ku taageerno qoyska Jeremy si aynu u siino waxa ugu fiican ee u qalma.

 

 

“Wuxuu ahaa shaqsiyad qurux badan oo ay dad badan jeclaayeen. Qof kasta oo yaqaanay Jez wuxuu garanayaa inuu dhoola-caddayn jiray oo uu iftiimin jiray guriga.

 

 

“Si degdeg ah ayuu u geeriyooday lamase illoobayo, mar walba wuxuu ku jiraa qalbiyadeenna. Waanu ku jecelahay, ku naso jannada Jez.”

 

 

Wax  ka yar hal saac oo uu boggani shaqaynayay xalay fiidkii, waxa lagu ururiyey lacag gaadhaysa £5,800.

 

 

Laacibiinta da’yarka Manchester City ee Cole Palmer iyo Tommy Doyle oo dhowaan kooxda koowaad loosoo dallacsiiyey ayaa iyaguna baraha bulshada  tacsiyadooda ugu diray qoyska laacibkan difaaca dhexe ahaa ee kasoo jeeday waddanka Malawi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker