Labo diyaaradood oo ka qeyb qaatay dagaalkii labaad ee adduunka oo hadda isku dhacay

Laba diyaaradood oo ka qeybqaatay dagaalkii labaad ee adduunka ayaa ku burburay dalka Mareykanka xilli ay socotay bandhig dhanka hawada ah.

Labadan diyaaradood ayaa isku dhacay xilli ay dul marayeen hawada gobolka Texas, waxaana ku dhintay ugu yaraan labo qof.

Muuqaal la baahiyay ayaa muujinayay labada diyaaradood oo joog hoose ku duulayay ka hor inta aysan burburin.

Mid kamid diyaaradda oo aheyd nooca Boeing B-17-waxay qeyb ka ahaayeen bandhiga dhanka ah hawada oo ka socday meel u dhaw Dallas.

Ilaa iyo hadda ma kala cadda tirada dadka ee ku dhimatay shilkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker