Ibraahim Cismaan oo noqday Madaxweyne ku-xigeenka dowlad degaanka Soomaalida
Gudiga Xidhiidhinta Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida oo uu hogaaminayay Madaxwaynaha dowlad degaana Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa go’aamiyay in Ibraahim Cismaan uu noqdo Madaxwayne ku-xigeenka DDS.
Masuulkan cusub ayaa bedelaya Aadan Faarax Ibraahim oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee degaanka Soomaalida oo loo doortay dhowaan gudoomiyaha aqalka sare ee dalka Itoobiya.
Sidoo kalena afhayeenka cusub ee baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida ayaa loo magacaabay Malaw Ibraahim Cabdi (Mandela)
Golaha Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida ayaa la horgeyn doonaa xubnaha la magacaabay kuwaasoo loo dhaarin doono xilalka marka goluhu ay siiyaan codka kalsoonida.
Ibraahim Cismaan