Ururka Alshabaab iyo Ciidamada Kenya oo ku Dagaalamay Nawaaxiga Gaarisa

Gaarisa (OWN) – Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya waxaa laga soo sheegayaa in dagaal uu halkaas ku dhexmaray ciidamada ammaanka Kenya iyo xoogagga Al-Shabaab, kadib qarax halkaas ka dhacay.

 

 

Nick Ndalana oo ah Taliyaha Booliska gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay iney dagaal kula galeen Al-Shabaab ismaamulka Gaarisa.

 

Warbaahinta Kenya ayaa qirtay in qarax dhulka lagu aasay lala eegtay gaafhi ay wateen ciidamada amaanka dowladda Kenya, walow ay sheegeen ineysan waxba gaadhin, kadibna waxaaa xigay iska horimaad dhacay.

 

 

“Ciidmada waxey heleen macluumaad ku saabsan in kooxda ay halkaas joogaan, waxey ku jireen roondo, rasaas ayey kusoo fureen ciidanka markii ay ogaadeen in gaadhigu ka badbaaday qaraxa,” ayuu yidhi taliyaha booliska.

 

 

Taliyaha Booliska wuxuu sheegay ineysan soo gaadhin khasaare nafeed, walow dadka deegaanka ay ka sheegeen  iney waxyeelo ku arkeen gaadhiga ay wateen ciidamada oo sida la aaminsan yahay  inay  haleeshay rasaastii la is weydaarsaday.

 

 

Daily Nation oo warkan daabacday waxey sheegtay in weerarkaas uu ka dhacay wadada isku xidha deegaanada Burta east iyo Garissa.

Kooxda Al-Shabaab ayaan weli wax war ah kasoo saarin iska hor-imaadkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker