M/weyne Muuse Biixi. Somalia Maxkamad Caalami ah baanu ku kala baxanaa” Faallo Dr. Omar Bongo

Somalia Maxkamad Caalami ah baanu ku kala baxanaa” M/weyne Muuse Biixi. Waa markii ugu horeysey ee Madaxweyne Somaliland sheego Hadalka ugu Macquulsan ee Arrinta Somaliland Dhinac uun u ridasa. Waddanka Mauritius waxay UK isku haysteen Jaziiradda Chagos ee ku taal Badweynta Hindiya uuna ku yaallo Saldhigga Cidanka Mareykanka ee Diego Garcia. UK maalintii ay Xornimada siinasey Mauritius ayay Jaziiradda Habkii Reserve Area u Qaadatay. Sanadkii hore 2019 ayaa Maxkamadda ICJ u qabatay UK inay Jaziiradda 24 saac gudahood ku wareejiyaan Mauritius muddo badan oo dacwadi socotey ka dib UN tuna u saxeexday.
1-QODOBKAN Jaziiradda lagu soo celiyey wuxuu 100% soo celinayaa si toos ah Reserve Area oo waa isku kiis maadaama Ethiopia la siiyey Markii Xornimada oo Mauritius na sideenii loogu yidhi Xornimo qaata oo Jaziiradda ha sheeganina. Kala ogaadana Somali Galbeed iy Reserve Area waa kala kiis oo Reserve Area in dib loo soo celiyo waa maalmo Sharcigaas baana qoraya.
2- In ay Maxkamad Caalami ahi tahay dooda ugu Wanaagsan ee Somaliland shir la tegi karto uguna suurto galsan in lagu kala baxo.
Doodaha Somaliland ee Hore: 1-Midowgii lagama faa’iidin.
2-Waa nala burburiyey.
3- Afti baannu Qaadney kuligood Sharciyada Caalamiga (Marka lagaa jiro ee Pandora Box oo ah Daasad daboolan oo gariido kubado madaxa ku leh oo la isku uruuriyey oo marka daboolka daasadda laga Furo soo wada boodaya oo daasadda ka soo daadadanaya, baa dhici doonaa Africa, lagu doodayo) awood kuma laha. ( SELF Determination).
Laakiin dooddan M/weyne Biixi waxaa adkaynaya in cilmi baadhisihii ay Sameeyeen Aqoonyahanadii Talyaaniga ahaa ee Trusteeshipka UN ta Somalia u qaabilsanaa ay gebi ahaanba 1962,63,64,5-1969 ay ku sheeg een inaanu Midow dhicin oo uu ahaa Sharci Darro maadaama aan shuruudo iyo Dokumentiyo laga reebin. Waxaan haynaa Archive kii mid ka mid ah Prime Minister adii hore ee Somalia oo ah Hard Copies iyo Cilmi Baadhis yadaa aan Sheegayo. Aqoonyahan kasta oo daneynaya arimahan weliba kuwa Somalida waxaan tusi Tusi Doonnaa Archive kan oo aad iyo aad u badan 1884-1990 (iyo Archive kii Madaxweyne Cigaal AHN Xidhiidhyadii Caalamiga ahaa ee uu sameeyey ilaa 2003)
By:    Dr. Omar Bongo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker