Been Bay Noqotay Khuraafaadkii Trump Ee In Dawada Malaariyadu Dawayso Covid-19

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa horay ugu taliyay in dawada loogu talagalay malaariyada sidoo kale Loo adeegsado xanuunka Covid-19,

Inkastoo seynisyahannada caafimaadka ay sheegeen inaan wali caddeyn rasmi ah loo heynin sida ay dawadaas ugu caafimaadi karaan dadka qaba fayraskaย  Carona.

 

 

Daraasado ku saabsan arrintan ayaa hadda socda, kuwaaย  soo lagu ogaanayo in dawada Kaneecadaย  ee Loo yaqaanno chloroquine ay waxtar u leedahay Covid-19.

 

 

Laakiin Hayโ€™adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay in dadka qaar ay si iskood ah u isticmaalayaan ayna dhibaato weyn kala kulmayaan Dawadaasi.

 

 

 

Walwalkan dhinaca badbaadada ah ayaa cirka isku sii shareeray kaddib markii uu ka hadlay sarkaal sare oo horay uga tirsanaan jiray waaxda adeegga caafimaadka ee Mareykanka.

 

 

Dr Rick Bright, oo bishii April laga qaaday xilkii uu hayay ee hoggaaminta howlaha soo saarista tallaalka, ayaa sheegay in tallaabada uu madaxweyne Trump xoogga ku saarayo dawadan โ€œay shaqada ka mashquulineyso tobannaan seynisyahan oo hoostaga laamaha dowladda federaalkaโ€.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker