TACABKII AAN LA CALFAN NASIIB XUMO IYO TALO XUMO MIDEY AHEYDBA. By: Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

TACABKII AAN LA CALFAN NASIIB XUMO IYO TALO XUMO MIDEY AHEYDBA

MAXEY SAMIR KU GAADHA NASIIB GAABIYA DILEY IYANA GAADHI WEYDDEE.

WINI MANDELA IYO GRACA MACHEL KALA NASIIB BADNAAYE. WAXWALBAAD TACAB GALISO INAAD MIDHAHIISA GURANEYSO GUULEY KU XIDHAN YAHEY

Qiso-xiiso leh ila akhri
Afuradana ku Yara sug

Wnni Mandela iyo Graça Machel DBE waxey ahayeen ka mid ahayeen dumarka uu guursadeey Nilsen Mandela.

#Winni Mandela waxey aheyd halgamaa la soo qeybsatey dagàalkii dheera ee gobonimo doonka Dalka South Africa hogaamiyahii Nelson Mandela. Nasiib xumo mey calfan nolosha inteeddii macaaneyd marki la soo dayey we ey xukumadiisii ka mid noqotey muddo laba sano gudahood ah ayaa waxa lagu eedayay dabniyo badan oo qaarkood sharafteda wax u dhimey.

Waxey sababtey inuu furo Nelson Mandela halkaasna ey ku weydey noloshii danbe uu galey ee raaxadda aheyd iney la qaybsato Nilsen Mandela.

Iyadoo aaney maranaba usuurto galin iney qeyb ka noqoto safaradii ugu qaalisana ee boqoradda iyo madaxdda aduunku ku qaabileen Mandela iyo hadiyadihii qaaliga ee la gudoonsiin jirey.

Waxa nasiib u yeelatey waqtigiisii macaana oo noqotey gabadha qudha ee addunka lagu naaneyso iney laba madaxweyne nolosha la wadaagtey ama lagu tilmaamo gabadha qudha ee laba madaxweyne la seexatey.

#Graca_Machel waxa qabey markii hore Madaxweynahii Mozambique Samora Machel. Markuu dhinteyna waxa guursadey Madaxweynahii Nelson Mandela.

Waxey fursad dahabiya u heshey nolosheeda ninkii addunku ugu xiisaha badnaa waqtigaa oo waddan walba casumaad heer caalamiya lagu soorayey, noloshiisa intii u macaaneyd ey la wadaagto. Waxey safaro aan la soo koobi Karin la gashey Nelson Mandela.

Waxey nasiib u heshey iney ku dhextalaabsato qasriyadda addunka ugu caansan, Madaxdda addunka ka gudoonto hadiyaddo qaaliya. Waxey aakhirkii noqotey buddhigihii Mandela waxeyna la dhameysatey noloshiisa intii danbe.

Waxey maanta maaleysa magacisii, waxeyna maamule ka tahey xarumahisii oo dhan oo iyaddu masuuliyadooda ku qoran tahey.

Waxaan sheekadda uga socda qof-walowba ogow safarka nolosha ee aad geediga ku tahey addunka guudkiisa. Nasiibkuna wuu ku barbar socdaa.

Ilaahey weydiiso in aan nasiibkaagu xumaan dedaalkeedana la kaaley, dulqaad iyo Samir lahaw.

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker