Kumannaan ruux oo ka mida Taageerayaasha Kooxda Manchester City oo u dabaaldagay taariikhda ay samaysay Kooxdaasi, + Daawo Sawirada
Kumannaan ruux oo taageera kooxda Manchester City ayaa safaf dhaadheer ku galay waddooyinka magaalada iyaga oo u damaashaadaya taariikhda ay kooxdu samaysay, iyadoo markii ugu horraysay hal xilli ciyaareed ku guulaysatay saddex koob oo dalka gudahiisa laga dheelo.
Bas dumasha ka furan oo ciyaartoydu saaran yihiin ayaa dhex maray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Manchester.
Ciyaartoyda ayaa markii dambana ka soo muuqday goob ay dad badaan isugu soo aruureen.
Ciyaartii ay lix iyo ebarka kaga badiyeen Watford Sabtidii ayaa u horseeday in ay hantaan koobka FA-ga, waxaana ka sii horreeyay oo ay qaadeen Horyaalka Ingiriiska iyo Carabao Cup.
Kooxdan uu hoggaamiyo Pep Guardiola ayaa noqotay kooxdii u horraysay ee rag ah ee Ingiriiska ka dheesha ee saddexdaas koob isku xilli ciyaareed ku guulaysata.
Hoos ka daawo sawirrada damaashaadka.







