Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor oo Caawa Magacaabay Wasiirro cusub

Dhuusamareeb (OWN)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa caawa magacaabay xubno cusub oo ku biiray golihiisa wasiirrada, kuwaas oo iskugu jira wasiiru dowleyaal iyo wasiir ku xigeenno.

 

 

Xubnahaan ayaa kala ah 11 wasiiru dowle iyo 25 wasiir ku xigeenno, waxaana lagu sheegay wareegtada lagu magacaabay in Madaxweynuhu uu magacaabidooda kala tashaday madaxweyne ku xigeenkiisa.

 

 

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ayaa horay u magacaabay illaa 25 wasiir, kuwaas oo aysan ku jirin hal wasiiru dowle ama wasiir ku xigeen, isaga oo markaas balan qaaday in uu soo magacaabi doono xubnaha ka dhiman golihiisa wasiirrada.

 

 

Halkan ka aqriso liiska xubnaha cusub ee ku biiraya xukuumadda Galmudug

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker