Madaxweynaha JSL oo Dhanbaal Tacsi ah u diray Qoyskii uu ka baxay Chief Caaqil ku geeriyooday Ceel afweyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa eheladii, Qaraabadii iyo Qaranka Somalilandba ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Marxuum Jiif Caaqil Maxamed Cabdi Soofe oo ku geeryooday Degmada Ceel-Afweyn.

Qoraal tacsi ah oo kasoo baxay madaxtooyada Somaliland, soona gaadhey warqabadka wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa u dhignaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Maxamed Cabdi Soofe oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 14/05/2020, degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqan oo ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker