Dalalka Finland iyo UK oo Xayiraada ka qaaday Safarada toos ee Sweden uga imaanaya
Dalka boqortooyada Ingiriiska ayaa xayiraaddii karantiinka ka qaaday muwaadiniinta iswiidhishka ee safarka ugu ambabaxda dalkaasi muddadii uu socday xanuunka covid-19.
Sidoo kale Laga bilaabo Sabtida soo socota, 19 Sebtember, Iswiidhishku waxay awoodi doonaan inay mar kale u safraan Finland, ka dib markii dowladda Finland ay go’aansatay inay ka khafiifiso xayiraadaha corona.
Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan dib ugu soo dhoweyno deriskeenna , sida uu sheegay wasiirka gadiidka ee dawladda Finland go’aanka kadib.
Muddo lix bilood ah , dadka iswiidhishka ah oo ka tirsan Midowga Yurub, ma awoodin inay si xor ah ugu safraan Finland, waana arrin aad u saameysay safarada Shirkada diyaaradaha ee FINNAIR ayaa baajisay duulimaadyo farabadan sababo la xiriira baahi yari. Isla mar ahaantaana.
Wasiirka Gadiidka Timo Harakka ayaa rajeynaya in sharciyada cusub ee awood u siinaya dadka iswiidhishka ah ee u safraya Finland ay sare u qaadi doonaan dhaqaalaha.
Ugu danbeyn Go’aanada la xidhiidha xakameynta xuduudaha waa la cusbooneysiin doonaa toddobaad kasta, sida ay sheegtay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maria Ohisalo.
Dowlada Ingiriiska ayaa dhankeeda sheegtay in Xayiraada karantiilka ka qaaday Dadka ugu imaanaya Wadanka Sweden.