Badhasaabka Cusub Ee Gobolka Sool Oo Maanta Xilka La Wareegay
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa maanta xilalkii u kala wareejiyay badhasaabka cusub ee gobolka Sool iyo badhasaabkii hore.
Bulsho weynta gobolka Sool, gaar ahaana shacabka magaaladda Laascaanood ayaa si balaadhan usoo dhoweeyey badhasaabka cusub ee madaxweynaha JSL dhowaan u magacaabay gobolka Sool oo maanta la wareegay xilkii gobolkaas.
Waxana afaafka hore ee magaaladda Laascaanood kaga hor yimid badhasaabka xubno ka tirsan maamulka gobolka Sool, Ka degmada Laascaanood,Cuqaasha gobolka Sool xubno kamid ah ,Ganacsato,Haween ,dhalinyaro iyo xubno kamid ah ururadda bulshadda ee gobolka Sool.
Socdaalka Badhsaabka cusub ee gobolka Sool waxa ku wehelinaayey Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyo badhasaabka cusub ee gobolka Gebiley oo hore u ahaa badhasaabkii gobolka Sool,waxaana munaasibad weyn oo ay masuuliyiintani xilka kula kala wareegayeen ay ka dhacday magaaladda Laascaanodo ee xarutna gobolka Sool.