Dadkii Haystay Dhalashada Wadamada Maraykanka iyo Keneda ee ku Xayirnaa Muqdisho oo galanta laga qaadayo

Diyaarad gaar ah ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ka soo qaadeysa 160 qof oo ku Xayirmey magaalada kadib markii la joojiyey inta badanduulamaadyadii dunida, sababo la xidhiidha xanuunka Coronavirus.

 

 

Dadkan ayaa ah Soomaali heysta dhalashada dalalka Mareykanka, Canada iyo Britain,

 

Safaarada Mareykanka oo iyadu markii hore diyaarisey duulimaadkan ayaa dooneysey in ay muwaadiniinteeda ku keento dalkan Mareykanka.

 

Diyaarada Ethiopian Airlines ayaa galabta 4-ta galabnimo ka soo duuli doonta Muqdisho waxaana ay dadkan geyn doontaa magaalada Addis Ababa oo ay ka dibna ka soo qaadan doonaan duulimaadyo tagaya magaalooyinka Washington DC, London iyo Toronto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker