Shirkada Qatar Airways Oo Bixinaysa 100.000. Oo Tigidh Bilaash Ah, Balse waa maxay Sababtu?

Shirkadda diyaaradaha ee Qadar Airway ayaa ku dhawaaqday inay bixinayso Boqol kun oo tikidh oo Bilaash ah oo Caalamka oo Idil ah .

 

 

Shirkadu waxay sheegtay inay Boqol kun oo Tikidh oo lacag la’aan ah la siin doono Dhakhaatiirta iyo Shaqaalaha Caafimaadka ee la dagaalamaya cudurka Covid-19.

 

 

Shirkadu waxay sheegtay in arrintan ay tahay mid lagu Abaal marinayo shaqaalaha caafimaadka ee safka hore kaga jira la dagaalanka cudurka Covid-19 iyo badbaadada dadka uu soo ritay cudurku.

 

 

Dalbashada Tikidhada oo ku Eg 18 bishan May ayaa sidoo kale waxaa ka faa’iidaysanaya Qoysaska Shaqaalaha Caafimaadka. Shirkadda Qadar Airway ayaa hadda waxay duulimaad ku samaysaa ilaa 30 Magaalo oo caalamka ah, waxaana la filayaa in dhammaadka Bisha June ee soo socota inay gaadho 80 Magaalo oo caalamka Daafihiisaa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker