Mas Xalay Laba carruur ah ku cunay miyiga degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag

Wararka ka imaanaya Miyiga magaalada Xiingalool ee Gobolka Sanaag  ayaa sheegaya in halkaas uu bahal-hoose ku cunay laba carruuro walaalo ah kuwaas oo labadiiba geeriyooday.

Labada carruurta ah oo da’dooda lagu qiyaasay 5-sano jir iyo 7-sano jir islamarkaana uu dhalay qoys Reer Miyi ah oo deggan nawaaaxiga magaalada Xiingalool ayaa saaka la aasay kadib markii ay u geeriyoodeen qaniinyada bahalkaas.

 

Bahalka oo ahaa nooca loo yaqaan gungumaha ee halista badan ayaa xalay hurdada ku miray labadaasi carruurta ah oo wada jiifay sida laga soo xigtay waalidkooda waxaana labaduba geeriyoodeen isla markiiba.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker