Waraysigii laga qaaday gacan-ku-dhiiglihii fuliyay Xasuuqii Jasiira – Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 9aad

Waraysigan hoose wax laga qaaday Kornaylkii fuliyay Xasuuqii Jasiira, gacan-ku-dhiigle Canjeex.
Inkasta oo uu Kornaylkani si aad ah isugu dayayo inuu marin-habaabiyo xaqiiqada, haddana wuxuu bixinayaa xogta rasmiga ah isaga oo qiranaya arrimahan soo socda:
Wuxuu qiranayaa in habeenkii dadka la xasuuqay uu 12:00kii habeennimo la soo hadlay Jeneraal Maslax Maxamed Siyaad oo taliyaha ciidanka ahaa, dabcanna ahaa ninka bixiyay amarka dadka lagu xasuuqay.
Waxa uu ku andacoonayaa in nooca amarka ah ee la siiyay uu ahaaa inuu soo hubiyo in rabshadi ka jirto meesha Daabay la yidhaahdo, haddana isla waraysiga wuxuu ku qiranayaa inuu meesha Tarabuunka la yidhaahdo uu ka raacayo laba guuto oo kale, sidaasna ay ciidankii gaas ku noqonayaan (gaasku waa sadddex guuto oo isu tegay).
Saacadda uu qiray inuu xeradiisa ciidan ka soo kaxaystay oo ahayd 12:00kii habeennimo, waa wax yar ka hor kolkii guriyahooda laga soo ururiyay dadkii la xasuuqay.
Wuxuu qirayaa inay dhammaan ciidankii israaceen oo ay tageen xaafadda Buulla-xuubay la yidhaahdo, isaga oo sheegaya in xaafaddaas sababta loo bartilmaameedsaday ay ahayd in dadka reer Woqooyiga ahi ku badnaayeen.
Dabcan, xaafaddaasi waa xafaddii laga soo ururiyay dadkii la xasuuqay, isla wakhtiga uu Canjeex sheegayna waxa ay ku dhawayd wakhtigii uu Cumar Muuse qiyaasay ee ahayd illaa 1:00 habeennimo.
Wuxuu qirayaa in saddexdii gaadhi ee lagu guray dadka la xasuuqayay ay ahaayeen baabuurtii laga soo kaxeeyay xeradii uu isagu maamulayay.
Waxa fajiciso ah inuu sheegayo laba shay oo aanay ogaan karin cid ka maqnayd goobtii dadka lagu xasuuqay: kow, noocii qoriga ahaa ee dadka lagu laayay. Laba, eraygii la yidhii kolkii rasaasta la furayay.
Cumar Muuse, wuxuu sheegay kolkii ay rasaasta furayeen inay yidhaahdeen: “Maxaad sugaysaan”, ka dibna ay dadkii rasaastii ku fureen. Isla eraygaas ayuu Canjeexna waraysigan ku sheegayaa inay yidhaahdeen kolkii rasaasta la furayay.
Inkasta oo uu Canjeex sheegay inuu ka maqnaa goobta dadka lagu laayay, haddana labadaas Nooca qoriga ee uu sheegay iyo eraygii la yidhi kolkii rasaasta la furayay, waxay caddayn xooggan u tahay inuu xaadir ku ahaa goobtii dadka lagu laayay.
Ugu dambayn, Canjeex wuxuu magacaabayaa laba markhaati oo uu sheegay inay caddayn karaan in aanu isagu dadkaas layn.
Wariyaha waraysigan qaaday wuxuu la xidhiidhayaa labadaas markhaatiba, kolka loo tagana waxa ay si isku mid ah u diidayaan inay marag ka noqdaan wuxuu Canjeex sheegayo. Intaasi waa waxyaabaha ugu waaweyn ee uu afkiisa ka qirtay Canjeex.
Kolka nuxurka waraysiga la soo ururiyo, waxaa inooga soo dhex baxaysa intan:
12:00kii habeennimo ayuu Jeneraal Maslax Maxamed Siyaad la soo hadlay Kornayl Canjeex, wuxuuna ku amray inuu kaxaysto guutadiisa iyo baabuur waaweyn oo dad badan lagu guro, ka dibna uu tago fagaaraha Tarabuunka.
Maslax wuxuu u sheegay inay halkaas ugu iman doonaan laba guuto oo kale, saddexdaas guutana inta ay israacaan ay tegaan xaafadda Buulla-xuubay oo ahayd xaafaddii dadka laga soo ururiyay.
Cidda lagu amray inay fuliso amarkii Maslax ee ahaa xasuuqa, waa cidda baabuurtii ay wadatay lagu qaaday dadkii la soo ururiyay. Canjeexna wuxuu qirtay in baabuurtii xeradiisa ka timid lagu guray dadkii, dabcanna wuxuu si dedban u qirtay inuu isagu ahaa ninka fulinayay amarkaas xasuuqa ah.
Waxa lagu amray inay dadka geeyaan Xeebta Jasiira, ka dibna ay halkaas ku laayaan oo aanu midi ka bixin, bal se ehelladoodii loo sheego in dadkoogii la xidhxidhay oo ay nool yihiin.
Qaraabadu weligood ma ay xaqiijiseen inay dadkaasi nool yihiin.
Si aan ku talagal ahayn ayay qof nool uga tageen iyaga oo moodaya inuu dhintay, qofkaas ayaana noqday kii fashiliyay dambiyadii waaweynaa ee halkaas ka dhacay.
Mar haddii Canjeex labadii markhaati ee uu ku kalsoonaa ay diideen inay u marag furaan in aanu isagu dambigaas gelin, macnaheedu waa in anu dambigaasi dhinacnaba u dhaafsiisnayn dhagarqabe Canjeex.
Qore: Maxamed Sharma’arke

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker