Wasiir Goodax Barre oo Baaq u diray Dadka Beledweyne kadib markii la Xaqiijiyey inaan la Gaadhsiin lacagtii DF

Beledweyne (OWN) – Dadka reer Baladweyne ayaa sameeyay isku day ay ku hirgalinayaan biyo xireen looga hortagayo fatahaadda wabiga Shabelle, sidaas darteed Wasiiraxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa ku bogaadiyay dadka reer Baladweyne dadaalkooda.

 

 

Waxaa dhawaan la baahiyay muuqaal uu kasoo muuqday Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Beledweyne Xaaji Cusmaan Dhagaxow kaas oo sheegay ineysan wali soo gaarin lacagtii nus Malyanka dollar aheyd oo ay Dowladda Federaalka Ballan-qaaday sanad ka hor, wuxuuna sheegay ineysan wax kaalmo ah ka geysan biyo xidheenka

Goodax Barre oo ka tirsan xukuumadda ra’isul wasaare Kheyre ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay muuqaalkaas wuxuuna kusoo qoray qoraalkaan hoose.

 

Waxaan bogaadinayaa aadna ugu faraxsanahay in bulshada Belet-weyne ay ku taaba qaadeen mabda’a ISKU-TASHIGA si ay fatahaadaha uga difaacaan naftooda iyo hantidooda. Waxaan bulshada Belet-weyn u rajaynayaa guul, Isku-tashi iyo in talada Alla saartaan.

 

 

Si kastaba dad badan oo Soomaali ah ayaa ka falceliyay qoraalka uu soo dhigay Wasiirka Goodax, kuwaas oo inta badan dhaliilsan sida ay dowladda taageero u gaarsiin weysay Beledweyne, iyadoo lacagtaas ay ballan qaaday sanadkii hore.

 

 

Sanadkii hore ayey aheyd markii kumanaan kun oo qoys ay ka barakaceen Beledweyne kadib fatahaad uu sameeyay wabiga, balse markaan waxey sameeyeen dadaalo ay uga hortagayaan maadaama ay biyo xidheen sameeyeen.

 

 

Inta la xasuusto fatahaadahii ka dhacay Beledweyne sanadkii hore waxey sababeen khasaarooyin isugu jira naf iyo maal, walina waxaa muuqata saameyntii laga dhaxlay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker