Wasiirka Arrimaha Dibada Iiraan Javad Zarif Oo Is-casilay

Wasiirka Arrimaha Dibada Iiraan Javad Zarif ayaa bartiisa Instagram ku shaaciyey inuu xilka iska casilay isagoo aan faah faahin ka bixin sababta keentay iscasilaadan kadiska ah.

Zarif ayaa kamid ahaa xubnaha awooda badan kuleh xukuumada Xassan Rowxani ee Iran, wuxuuna kamid ahaa taageerayaasha waaweyn ee Madaxweyne Rowxani ee doonayey inay isbedal ka sameeyaan dalkaasi.

Wuxuu xilka qabtay sanadkii 2013, wuxuuna Javad Zarif ku guuleystay in labo sano kadib la saxiixo heshiiskii dhexmaray Iran iyo dalalka  Maraykanka, Ruushka, UK, France, Germany, China iyo Midowga Yurub. Heshiiskaasi la saxiixay 2015 ayaa lagu joojiyey barnaamijkii Nukliyeerka Iran iyadoo dalkaasi laga qaaday cunaqabateynta.

Balse heshiiskan ayaa waxaa jabiyey Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, tilaabadaasi oo la doonayey in heshiiskaasi lagu burburiyey walow Midowga Yurub iyo dalalka kale ee wax ka saxiixay ay sheegayaan in heshiiskaasi uusan dhankooda ka burburin.

 

Siyaasiyiinta Xagjirka ah ee dalka Iran ayaa horey u cambaareenayey Javad Zarif iyo Madaxweynaha Xasan Rowxani oo ay sheegeen inay ku fashileen siyaasadooda arrimaha dibada, iyagoo bilihii lasoo dhaafay cadaadis xoogleh saarayey hogaamiyayaashan.

Xasan Rowxani ayaan weli sheegin inuu aqbali doono iscasilaada Javad Zarif oo kusoo beegantay xili Maraykanka, Israel iyo xulafadooda Khaliijka ay olole ugu jiraan duulaan lagu qaado wadanka Iran oo ay saareen cadaadis dhaqaale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker