Dhegayso: Gudidada Fatahaadaha Beledwayne oo beeniyay inaanay Dawlada Federalka Somalia wax Taakulo ah ka hayn

Waxaa soconaya dadaallo ay Wadaan Guddiga Gurmadka Magaalada Beledweyne oo lagu doonayo in Sanadkan fatahaad Lagaga badbaadiyo magaalada oo muddooyinkii u dambeeyay ay Sanad walba dadku daadad uga baro-kici jireen.

 

 

Guddiga oo Warbaahinta  la hadlay ayaa beeniyay in howsha socota ay kaalin ku leedahay dowladda federaalka, marka laga reebo 500 oo jawaannada ciidda lagu shubo ah oo shalay ay dowladdu diyaarad ku gaysay Beledweyne.

 

 

Dowladda federaalka ayaa sanadkii hore sheegtay in lacag gaadhaysa 500 oo kun oo dollar ay ugu deeqday dadka ay fatahaaddu magaaladaasi ku Saameeyeen, hase yeeshee Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Beledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxow ayaa Warbaahinta  u sheegay in lacagtaasi aanay soo gaadhin dadkii loogu talo-galay.

Xaaji Cismaan ayaa isagoo Beledweyne ku sugan Warbaahinta u Waramay Hadalkiisii waxaa ka mid ahaa sidatan.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker