Wasiirkii Waxbarashada Maamulka Goboleedka Jubbaland oo Geeriyooday

Kismaayo (OWN) – Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa ka Tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha ha u naxariistee Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim oo ku geeriyooday dalka dibadiisa.

 

 

Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay tariikhda dahabiga ah ee Macalin Maxamed Ibraahim uu ku lahaa shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar haan Bulshada Jubbaland.

 

 

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Wasiir macalin Maxamed Ibraahim oo wakhtigiisa intii ugu badnayd galiyay Waxbarida dadka Soomaaliyeed isagoo door muuqda kasoo qaatay waxbarashada Gobolka Banaadir iyo Jubbaland oo hada uu ahaa Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

 

 

Waxaa uu Intaas ku daray Madaxweynahu in uu udub dhaxaad u ahaa xoraynta Jubbaland qaybo badan oo kamid ah isagoo xili uu heli karay nalol wanaagsan uu ka doortay in uu nafta u huro sidii uu dhibka Argagixisada uga dulqaadi lahaa dadka ree Jubbaland.

 

 

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhismahii Dowladnimada Jubbaland uu door aan la iloobi doonin uu ku lahaa isagoo mar walba ahaa shaqsi u taagan Arimaha dib u heshiisinta iyo wadajirka umada waxaa uu Madaxweynahu xusay in uu ahaa shaqsi muhiim ah oo ka baxay ree Jubbaland.

 

 

 

Xaalad caafimaad ayuu sheegay Madaxweynahu in uu u joogay dalka Hindiya haakaas oo uu ugu geeriyooday Cudurka Kansarka isla markana mudooyinkii u danbeeyay lagula tacaalayay xaaladiisa caafimaad.

 

 

 

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Sadex maalmood oo baroordiiq ah ay galayso Jubbaland Isla markaana buuga Tacsida Wasiirka la dhigi doono Xarunta Wasaarada Waxbarashada isagoo intaas ku daray in loogu magac dari doono meel munaasib ku ah si loogu xusuusto doorkii wanaagsanaa ee uu ku lahaa dhismaha Jubbaland.

 

 

 

Ugu danbayntii Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa uu si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii iyo qaraabadii uu Wasiirku ka geeriyooday isagoo Allah uga baryay inuu janadii fardowso ka waraabiyo waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in uu booqan doono qoyska wasiirka lana qaybsanayo geerida ku timid Allah ha u Naxariiste Wasiir Macalin Maxamed Ibraahim.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker