Siyaasi Jawar Maxamed Oo Eedeeymihii ugu Cuslaa ku Ganay Raiisul wasaare Abiy Axmed

Jawar Maxamed oo ah Siyaasiga ugu Wayn ee Mucaaridka ku ah Xukuumada Itoobiyaย  Ee uu Hogaamiyo Raiisul wasaare ahmed Abbiy ayaa ku eedeeyay Raโ€™iisul wasaare Abiy Axmed in uu wado handaad isla markaana Xisbiga haya talada uu wado Tallaabooyin sharciga ka baxsan oo uu awoodda kusii Xoojisanayo.

 

โ€œMa jirto Awood dastuuri ah oo uu kusii joogi doono..waxaa jiri doonaa wakhti ay awoodda iska banaanaan doontoโ€ ayuu yidhi Jawaar.

 

Raโ€™iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka digay in uu tallaabo ka qaadi doono Siyaasiyiinta mucaaradka ee isku dayayo in awoodda ay la wareegaan iyagoo ka faaโ€™ideysanayo jahwareerka uu horseeday cudurka corona.

 

โ€œHase yeeshee, cudurka safmarka ee Covid-19 ee dalka Itoobiya soo gaadhay ayaa nagu kalliftay inaan doorashada dib u dhigno.โ€ayuu yidhi Raiisul wasiire ahmed abbiy.

 

Dr Abiy Axmed oo xaaladda dalka Itoobiya uu ku sugan yahay warbaahinta dalka Itoobiya shacabka farriin uga tabiyey wuxuu sheegay shacabka waxyaabaha ay Xuquuqdooda ku meelmarsadaan iney ka mid tahay doorashada guud oo dalka ka qabsoonta taasoo ah xuquuq dimuqraadiyadeed oo ay muwaaddiniintu leeyihiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker