Madaxwayne Ku Xigeenkii Hore ee Real madrid oo u Geeriydooday Xanuunka Covid-19

Real Madrid ayaa ku dhowaaqday in masuul kale oo kooxdeeda ka tirsanaa uu u geeriyooday xanuunka Coronavirus oo in muddo ah uu ugu dhibaataysnaa cusbitaal ku yaalla magaalada Madrid, halkaas oo ugu dambayntii baroor-diiqdiisa Loo fadhiyo.

Amador Suarez Villa oo Madaxweyne ku-xigeen kasoo noqday Real Madrid sanadihii u dhexeeyey 2006 illaa 2009, ayaa geeriyooday kaddib 40 maalmood oo uu cusbitaalka u jiifay caabuqa Korona.

Amador oo ay da’diisu ahayd 76 jir, waxa uu ahaa madaxweyne ku-xigeenkii Ramon Calderon ee Real Madrid keenay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, waxaanu kooxda kusoo biiray sannadkii 1964-kii oo intii ka dambaysay oo dhan uu xilal kala duwan kasoo qabtay illaa haddana uu masuuliyiinteeda sare ahaa.

Masuulkan oo Real Madrid ay baroor-diiqdiisa u fadhido, ayaa ku dhashay Huelva markii ay taariikhdu ahayd February 12, 1944-kii, waxaanu sannadihii dambe ku noolaa San Sebastian.

Waxyaabaha lagu xasuusto masuulkan ayaa ka mid ah inuu ku guuleystay abaal-marinta HAL-ABUURKA Ganacsiga ee sannadka ee Huelva Federation of Businessmen sannadkii 2003 kaddib markii shirkaddiisa kalluumaysigu ay wax-soosaarkeeda gaadhiisay dunida oo dhan.

Marka laga yimaaddo taariikhdiisa ganacsi iyo Real Madrid waxay ilmo-adeer ahaayeen Cristina Garmendia oo ahaa wasiirka Sayniska iyo ikhtiraaca ee Spain.

Xanuunka Coronavirus ayaa waddanka Spain dhibaato weyn ku haya inkasta oo maalmihii ugu dambeeyey uu hoos usoo dhacayay, waxaanu yahay dalka saddexaad ee qaaradda Yurub ugu dhimashada badan iyo dalka Afraad ee dunida oo dhan.

Si kastaba, Amadoz waxa uu sababsaday fayraska Korona, waxaana hore uga horreeyey laba masuul oo Real Madrid ka tirsanaa oo u geeriyooday caabuqa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker