Mike Pompeo Oo Sheegay In Ay Cadaymo U Ahayaan in Covid-19 uu markiisii hore Ka soo Unkamay Shaybaadhada Shiinaha

Xog-hayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay iney jiraan cadeymo waaweyn oo muujinaya in coronavirus uu ka soo unkamay Shaybaadh  ku yaal magaalada Wuhan ee Dalka  Shiinaha, oo ah halkii uu markii horaba ka soo bilowday Xanuunkan saf-marka ah.

 

 

Mike Pompeo ayaanan sheegin cadeyn Taagereysa Warbixintiisa balse waxa uu sidoo kale sheegay inuusan hayn sabab uu shaki u galiyo warbixinta waaxda sirdoonka Mareykanka ee tibaaxeysay in fayraskan uusan ahayn mid uu bini’aadan gacantiisa ku sameeyay.

 

Seynisyahanno badan ayaa aaminsan in coronavirus uu ka soo unkamay xaywaanka duurjoogta ahi ee lagu kala iibsado seyladaha Shiinaha.

 

 

Shiinaha ayaa horay gaashaanka ugu daruuray wararka sheegayay in mid ka mid ah sheybaadhadiisa uu ka soo fakaday fayraskan dunida halakeeyay.

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay u sheegay in coronavirus lagu sameeyay shaybaar ku yaal waddanka Shiinaha.

 

 

Hase yeshee xafiiska agaasimaha guud ee sirdoonka Qaranka Mareykanka ayaa sheegay in ay weli baadhayaan sida uu fayraskan ku bilowday balse ay ogaadeen in Covid-19 “uusan ahayn wax uu qof sameeyay ama unugyadiisa la farsameeyay”.

 

 

Tan iyo markii uu Cudurkaasi ka dilaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa coronavirus waxaa la xaqiijiyay inuu ku dhacay 3.5 milyan oo qof oo ku nool daafaha dunida halka in ka badan 247,000 oo qofna ay u dhinteen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker