Ethiopia Oo Xaqiijisay In Covid 19 Laga Helay Dad Hor Leh Oo Safar ku Tegay Somalia .

Ethiopia ayaa ka warbixisay shan xaaladood oo kale oo ah coronavirus (COVID-19), taasoo ka dhigeysa wadarta guud ee kiisaska la xaqiijiyay ee dalkaas inay gaadheyso 140.

Bayaan ay soo saartay maanta, ayay wasaaradda caafimaadka Ethiopia ku sheegtay inay ku sameysay 1, 758 tijaabooyin shaybaar 24-kii saac ee la soo dhaafay shan ka mid ahna ay noqdeen kuwa cudurka viruska qaba.

Shanta kiis, afar ayaa ah Itoobiyaan, kuwaas oo saddex kamid ah ay socdaal ku tageen degaanada dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya , halka midka kalena uu yahay muwaadin iswiidhisha.

Itoobiya illaa hadda waxay sheegtey saddex dhimasho iyo 75 ka soo kabtay fayraska iyadoo guud ahaan la mariyay tijaabada baaritaanka dad dhan 24,088 qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker